Magacyada Dumarka Somaliyeed Iyo Macnayaasha Ku Hoos Duugaan, HALKAAN KA FIIRI MAGACAAGA IYO MACNINIHIISA

gabdheenaMagacyada gabdhuhu waxay ku baxaan munaasabado, waxayna xambaarsan yihiin macnayaal qiime badan oo laga doonayo gabadheenu in ay yeelato, waxaana ka mid ah:

-Magacyo muslimiintu la baxaan, sida: Xaawo, Caasha, Xaliimo, Khadiijo, Faadumo, Maryan iwm oo looga jeedo in gabadhu kuwaas oo kale noqoto.

-Magac ku baxay xaaladda ay dhalatay gabadhu sida: Ugbaad, Cosob iyo Xareedo:

-Magacyo diimeed oo tusaya in ay tahay gabadhu qof Alle taqaan, cilmiga iyo cibaadadana ku dadaasha oo barakaysan, sida: Muumino, Muslimo, Khayra, Suubban, Awliyo, Khadro, Ijaabo, Ardo, Cibaado. Hadaba waa in gabadha Soomaaliyeed xambaarsanaato sifooyinkaas ee aysan noqon Alle ka jeed inkaar qabto ah.

-Magacyo Janno oo Rabbi looga rajaynayo in uu aakhiro dajiyo sida: Firdawsa iyo Naciima…

-Magacyo goobo barakaysan oo loo saadinayo in Alle geeyo adduunka sida: Madiino, Muna, Rawdo(goob barakaysan oo u dhexaysa Guriga Nabiga SCW iyo minbarkiisa).

-Magacyo muujinaya quruxda iyo bilicsamida gabadha sida: Qalanjo, Muraayad, Ubax,  Sahra, Safiyo, Shamso, Qamar, Habboon, Keeyf, Cawrala.

-Magacyo tusaya qiimaha iyo qaayaha ay leedaha gabadhu sida Qaali, Dahabo, Cambaro, Jawaahir iyo Luul…

-Magacyo xambaarsan Jacayl, macaan, qabaw, dagganaan  iyo naxariis: Barni, Xalwo, Rummaan, Raxmo, Daruuro, Roobo, Cadar  iyo Naruuro.

-Magacyo xambaarsan saad wanaagsan sida: Hoodo, Ayaan, Maymuun,  Faa’iso iyo Fawsiyo..

Xirsi Axmed   Qurbo.net | Qurbo Magazine


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home2/xisi/public_html/wp-content/plugins/facebook-like-and-comment/comments.php on line 21