Haweenka Soomaaliyeed Aad Bey U Necebyihiin Raga Noocaan Ah

dumarka soomaaliyeedQof kasta noola ah Allah wuxuu siiyay maskax uu kula socdo waxa isaga dan u ah iyo waxa aan danta ugu jirin.. Waxaa jira sifooyin gaar ah oo ay dumarka Soomaaliyeed ka fiiriyaan raga haday ku arkaan ay kaga tagaan, waxaana ka mid ah:

 

 

 

 

 

Nimanka dila dumarka: Ragga sifidaan leh inta badan dumarka ma xiiseeyaan mana ka helaan, haweenada waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanaayo ama loo adeegsaday awood, waxaana dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula nooleed lamaanaheeda dib ugu soo laabato ehelkeeda.

 

Nimanka balwada Leh: Inta badan ragga leh balwada dumurkooda cabasho aad u wayn ayaa ka keeneen taas sabab ka dhigtay in gabdho badan ka feejignaadaan ragga balwadaas leh, ceebaha ugu wayn raggan leh balwada qaabkani oo kala ah ayaa la sheegay in uu xanaaqa sanka ka saaran yahay dulqaadkane uu aad ugu yarayahay, ma marka qaar uu miir doorsanyahay.

 

Nimanka isla wayn: Dumarka waxay u arkaan nimanka islwaynida ku jirta in ay yihiin niman qarabin aan laheen wax horo socod, inta badan waxay tibaaxan in ragga isla wayninka qaba waqtigooda kulimo yasid iyo islwayne iyo qof xaqiraad, mid kamid ah dumarka ayaa sheegtay in ninkeeda markii uu yaso dadkale qalbiga iska dhahdo adigane wuu ku yasaa, wax qabad kasta ay la timaado qofka dumarka ah waxay u qaadaneesaa in ninkeeda uu waxba kama jiraan ku tilmaami doono, halka ay dumarka aad uga xiiseeyaan ragga niyada u dhisa xitaa hadii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku saleesan ugu sheego.

 

Nimanka wax shiriya: Dabciga dumarka ayaa ah mid ka sameesan in nimanka ay xariirka la leeyiihiin uusan noqon mid xiriir la leh dumar kale, inta badan dumarka ma aaminaan raga naagaha badan xiriirka leh, sida ay cadeeyeen gabdho badan oo wareesi lala yeeshtay in ay xiiseeyaan nimanka aan naagaha badan aheen, dhanka kale waxay sheegaan in ninka markii uu dumar badan yahay uusan laheen wax balan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u keenta dumarka niyad jab iyo walaac.

 

 

By

Qurbo Magazine Kuala Lumpur, Malaysia

Qurbo.net

 


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home2/xisi/public_html/wp-content/plugins/facebook-like-and-comment/comments.php on line 21